Wararkii ugu dambeeyey xaaladda magaalada Boosaaso oo deggan

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in kumanaan qoys oo ka barakacay dagaalo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Boosaaso inay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.

Soo laabashada dadka ayaa timid kadib markii xabad joojin loogu baaqay labada dhinac ee ku dagaalamay Boosaaso ay dhaqan gashay.

Sidoo kale waxaa la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso iyadoo ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka uu dib u soo laabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here