WARBIXIN: Muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku eg, iyadoo wadahadallo siyaasadeed ay socdaan

0

Muqdisho — Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May 2026, waxaa si rasmi ah u dhammaanaya muddo xileedka Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, oo xilka loo doortay isla maanta sanadkii 2022.

 

Xilliga uu dhammaanayo muddo xileedka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo wali aan heshiis rasmi ah laga gaarin nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, waxaana taagan khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodayaan in qorshahaasi uusan ku dhisneyn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, islamarkaana uu yahay hannaan hal dhinac ah.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho waxaa ka socda wadahadallo siyaasadeed oo ay garwadeen ka yihiin qaar kamid ah safiirrada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya. Wadahadalladan oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la filayaa inay maanta sii socdaan, iyadoo weli aan heshiis rasmi ah laga gaarin qodobada la isku hayo.

Si kastaba, wararka laga helayo kulamada ayaa sheegaya in ay jiraan is-afgaradyo hordhac ah iyo isu soo dhawaansho dhinacyada ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo saldhig u ah khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan.

Kulamada socda waxaa dhinaca dowladda uga qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, halka mucaaradka ay matalayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Muddo xileedka madaxweynaha oo dhammaatay iyo wadahadallada socda, waxa ay suurta gal ka dhigayaan in dowladda hadda jirta loo kordhiyo muddo kooban, si loo diyaariyo doorasho heshiis lagu yahay isla markaana lagu caddeeyo habraacyada siyaasadeed iyo kuwa amni ee lagu galayo.

Waxaa sidoo kale jira dood ku saabsan in wax laga beddelo awoodaha Madaxweynaha, gaar ahaan dhinacyada doorashada iyo amniga, iyo in isbeddel lagu sameeyo qaar kamid ah xilalka muhiimka ah si loo helo jawi ay dhinacyadu ku wada qanci karaan.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haatan gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada wadahadallada Muqdisho ka socda iyo sida ay dhinacyadu uga gudbi doonaan ismariwaaga doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here