Warsheekh iyo Kaaraan oo u gudbay sama finalka tartan aqooneedka Shabelle

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Kaaraan iyo Warsheekh oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Dhexe, kuwaas oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Labada degmo ayaa aad ugu hardamay tartanka, hayeeshee waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Kaaraan oo laga adkaaday ayaa heshay 10 dhibcood, halka Warsheekh ay keensatay 16 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cabdullahi Cadaani oo ah guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Warsheekh ayaa u gudubtay wareega sama-finalka tartanka, halka Kaaraan ay noqotay degmadii ugu dhibcaha badneyd wareegii saddexaad ee soo dhammaaday, iyada oo sidaas ugu gudubtay wareega afar dhammaadka.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku ballansan Bargaan oo ka tirsan Galgaduud iyo degmada Kaaraan, waxaana degmada badiso ay tagi doontaa finalka tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here