Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Daahfurtay Kulan Lagu Xoojinayo Dadaallada Nabad-dhisidda Dalka

0

MUQDISHO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa   si rasmi ah u furay kulan farsamo oo lagu falanqeynayo khibradaha laga bartay isku xirka dadaallada nabad-dhisidda iyo dhex-dhexaadinta bulshada.

 

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa diiradda lagu saaray dhismaha shabakad qaran oo lagu magacaabo National Insider Peacebuilders, Mediators and Nabadoons Network, taas oo la qorsheynayo inay door muhiim ah ka qaadato geeddi-socodka nabad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa isugu jiray culimo, aqoonyahanno ku xeel dheer arrimaha nabadda, nabaddoonno iyo wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen wakiillo ka socday UNDP iyo Berghof Foundation.

Mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan mideeya dadaallada nabad-dhisidda, si loo xoojiyo ka qaybgalka bulshada, loo horumariyo dib-u-heshiisiinta, loona dhiso nabad waarta oo ka hanaqaadda guud ahaan Soomaaliya.May be an image of studying and tableMay be an image of one or more people, people studying, table and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here