Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 60 qof ay ka bogsoodeen Karoona

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 60 qof oo cusub 48kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,639.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (11) Puntland (5) Hirshabeelle (2), iyo  Jubbaland (1) iyo taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,594.

Bukaannada cusub 11 ka mid ah waa rag 8-na waa dumar, 5 bukaan ayaa u geeriyootay COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 767 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here