Wasiir Al-Cadaala oo ka warbixiyay howlgallada ka socda Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirro iyo Xildhibaanno katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa jiidda hore kula hadlay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Caddaala oo furimaha dagaalka kula hadlay Ciidanka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dhamaan mas’uuliyiinta, saraakiisha,  ganacsatada , siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaanka.

Wasiir Al-Caddaala ayaa kula dardaarmay Ciidanka in aysan hilmaamin hadafkii ay guryahooda ugu soo tageen iyo waxa ay u dagaallamayaan, wuxuuna ku boorriyay in aysan soo noqon illaamaa ay ka xaqiijiyaan wixii ay usoo baxeen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Wasiirku in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay 17 howlgal oo lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka dhaceen Galmudug, kana dhimatay in ka badan 120 xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo xoreyn ah, waxayna hadda ciidamada kusii siqayaan magaalooyin horleh oo ka tirsan gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here