Wasiir Biixi oo shirweyne caalami ah uga qayb-galay magaalada Nairobi

0

NAIROBI (SMN) – Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika.

 

Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika, si uu Bangiga Adduunka u maalgaliyo, qodobada ay soo saaraan Wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne, kaas oo qab soomi doona 29-ka April 2024-ka.

Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah, si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda, taas oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here