Cali Xaaji oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayay hanaanka tamarta caafimaadka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xumuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeybgalay kulan duceed gaar ah oo looga hadlayey Hanaanka tamarta Caafimaadka kaasoo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Caafimaadka Adduunka islamarkaana ay kasoo qeybgaleen Wasiiro , Deeq bixiyaal iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka.

 

Wasiir ka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood kala qeybgalay, Wasiiradda Caafimaadka iyo Maaliyadda  ee Wadanka Netherland, Agaasimaha Isbadalka Cimiladda ee Hey’adda u Qaabilsan Mareynka Kaalmadda  (USAID) iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Caafimadka Adduunka Dr. Tedros.

Waxa uu Wasiirka Caafimaadka ka sheegay dooda ahmiyadda ay Soomaaliya u lee dahay xoojinta xarumha Caafimaadka  ee ku shaqeeya  tamarta  cadceeda ( Solar Energency System)  iyadoo  uu sidoo kale carabka ku adkeeyye  xoojinta nidaamka Caafimaadka ee la xriira hanaanka togan ee ay ku yeelatay Isbadalka Cimiladda.

Wasiirka Wasaaradda iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo gunaanaday doodiisa in ay muhiim u tahay Soomaaliya helitaanka maalgelinta dhameystiran oo la xiriirta arrimaha isbadalka saameynta uu ku yeeshay Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here