Wasiir Dhabancad oo Garoowe kula kulmay wafdi ka socday hay’adda IFES

0

GAROOWE (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garoowe kulan gaar ah kula qaatay wafdi ka socday hay’adda IFES oo ka shaqaysa arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Dhabancad iyo xubnaha ka socday hay’adda IFES ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii hay,adda IFES gacan uga geysan lahayd wajiga labaad ee doorashooyinka Degmooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod.

Puntland ayaa dhowaan bilowday doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah, taas oo si tijaabo ah loogu qabtay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here