Fartaag oo xariga ka jaray dhismayaal lagu soo kordhiyey Xarunta miino baarista

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka amniga gudaha XFS Md. C/llaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta miina baarista ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

 

Xarig jarka dhismayaasha  cusub ee lagu soo kordhiyey qeybtaan  ayaa waxaa  goob joog Ahaa  Taliyaha Ciidinka Boliiska Soomaaliyeed  S/Guuto Sulub axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Boliiska S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo Marti Ka socotey Hay’addaha Caalamiga ah.

S/Guutu Sulub Axmed Firin Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  oo munaasabada ka hadaly ayaa qiray  in saraakiisha Iyo ciidanka boliiska ee ka howlgala xaruntaan ay yihiin Badbaadi yaasha Bulshada.

Isaga oo xusay in xili kasta ay  diyaar u yihiiin  ka hortaga Qataraha Khawaarijta ay u soo maleegeyso dadka rayid ah.

Wasiirka Amniga Gudaha  XFS  S/guuto C/llaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) oo ayaa u mahadceliyay Taliska  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, sigaar ahna ugu Mahadceliyay  Saraakiisha iyo Askarta Xaruntan ee marwalba qatar u giliya nafsadooda sidii ay u badbaadin lahaayeen  bulshadooda .

Xuruntaan Lagu soo Kordhiyey Dhismayaasha Cusub ayaa Halbowle u ah Sugida Amniga Guud ahaan Dalka Gaar Ahaan Caasimada Moqdisho .

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si gaar ah uhu mahadceliyay dowladda Japan oo gacan ka geestay hirgelinta xaruntaan oo muhiimad gaar ah u leh ciiidanka boliiska iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here