Wasiir Fawziya oo qaadatay talaalka qeybta labaad ee Covid-19 + Sawirro

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Fawziya Abikar Nur ayaa maanta qaadatay Tallaalka COVID-19 qeybtiisa labaad.

Si loo helo difaaca ugu wanaagsan, waxaa loo baahan yahay in qofkastaa uu qaato tallaalka 2 jeer sidaa daraadeed Wasaaradda Caafimaadka waxey ku wargelineysa dhamaan dadka tallaalka qeybtiisa kowaad qaatay in ay isla goobti lagu siiyay muddo 8 toddobaad kahor dib ugu laabtan siday u qaatan tallaalka qeybtiisa labaad.

Wasaaradda Caafimaadka waxey sidoo kale ku wargelinaysa bulshada aaan qaadanin qeybta koowaad ee Tallaalka COVID-19 in u yahay lacag la’aan, isla markaasna  mudnaanta hore la siiyay  dhamaan shaqaalaha safka hore sida  Shaqaalaha Caafimaad, Macalimiinta, Booliiska, iyo Dowladda Hoose iyo dadka kaweyn da’da 50 ka iyo wixii ka sareeya.

Si adiga iyo qoyskaaga uga badbaaddaan cudurka COVID-19, xiro af-xirka, dadka laba mitir ka fogow, gacmaha si joogta ah u dhaq. Waxii faahfaahin dheeraad ah, fadlan la xiriir lambarka 449 ama 466 ee xarunta wacitaanka degdeg ah ee gurmadka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here