Wasiir Fiqi oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka Awdal + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho kula kulmay Salaadiin, ugaasyo, cuqal, iyo odeyaal kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal kuwaasoo ka tirsan 135 iyo qaar kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal.

 

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Senator Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Kulanka ayaa odeyaasha beelaha Samaroon iyo Ciise waxa ay ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay badda Zeylac.

Qaar ka tirsan odeyaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan sharci ku joogin uu ictiraaf ku raadinayo dhiiga umadda iyo qaddiyadda Awdal in ay u baahantahay difaac, ayna diyaar u yihiin dagaal iyo iska dhiciyaan cadowga .

Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiya Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare ayaa sheegtay ahmiyadda ay leeyihiin kulamadan oo kale, iyada oo ammaantay kaalinta odeyaasha dhaqananka ee ku aadan ka hortagga damaca Itoobiya ee ku aaddan dhul boobka.

Senator Bilaal Idiris C/laahi oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aannu war dhinneyn, oo la doonayo ficil iyo ka hortagga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulkan dhaxalka u ah umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay mowqifka Dowladda Federaalka ee soo jireenka ah ee ilaalinta bedqabka midnimada dhuleed iyo dad ee Soomaaliya.

Wasiirka intaa raaciyay in kulankan uu qeyb ka yahah dhaqanka Wasaaradda ee ah in odeyaasha dhaqanka ee gobollada dalka lagala tashto, talo laga weydiiyo arrimaha kusoo kordha deegaankooda, si dhinac walba ay qeyb uga noqdaan go’aannada, waxaa uuna bogaadiyay sida shacbaka Awdal ay diyaar ugu yihiin difaaca qarannimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa ku dheeraaday damaca Itooboya iyo sida ay weligeed ugu hangal taagaysay Zaylac ilaa Isticmaarkii, isaga oo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay weligood difaaci jireen dhulkooda, welina ay diyaar u yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here