Wasiir Xasan Macallin oo boggaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Mudane, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray howl-gallada dib-u-xoreynta.

 

Wasiirka ayaa hambalyo ujediyay ciidamada huwanta ee soo hooyay guulaha la taaban karo, wuxuuna intaa ku daray in Al-Shabaab uu dhammaaday waqtigooda.

Xasan Macallin ayaa dadka ku dhaqan goobaha la xoreeyay iyo degmooyinka uu Ciidanku kusii jeedo, wuxuu ugu baaqay in aysan ka bixin guryahooda, dowladdoodii ay sugayeenna ay usoo socoto.

Wuxuu bulshada ku dhaqan deegaannada laga saaray Al-Shabaab ugu baaqay in aysan u dheg taagin hadallada Al-Shabaab, kuna kalsoonaadaan Ciidankooga xoogga iyo dowladdooda, isagoo intaa raaciyay in dadku ay u billaaban doonto nolol cusub iyo adeeg dhammaystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here