Wasiir Xasan Macallin oo difaacay qaabka loo ansixiyay habraaca dastuurka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa si faahfaahsan uga hadlay dhammeystirka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

 

Xasan Macallin ayaa ugu horreyntii boggaadiyay tallaabadii Baarlamaanka ee lagu ansixiyay xeerka wax ka beddelka dastuurka, isaga oo sheegay in xildhibaanada Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal, ayna mudan yihiin in taallo loo dhiso, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu dhaliilay xildhibaanadii buuqa sameeyay ee ka horyimid habraaca dastuurka, kuwaas oo ku eedeeyay inay majaxaabinayaan horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada haatan dood xoogan ay ka taagan tahay wax ka beddelka dastuurka oo ay isku hayaan madaxda dowladda federaalka, xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo uu weli khilaaf xoogan kala dhexeeyo dowladda dhexe.

Halkan hoose ka daawo wareysiga oo dhammeystiran:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here