Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Shiinaha

0

LIANYUNGANG, Shiinaha — Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa Khamiistii ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Shacabka 2026, oo lagu qabtay magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha.

Madasha ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 2,100 qof oo ka kala socda 139 dal iyo gobol, iyo sidoo kale hay’ado caalami ah, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga iyo sidii si wadajir ah looga jawaabi lahaa khataraha amni ee ka gudba xuduudaha dalalka.

Ajandaha madasha waxaa ka mid ah la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan, dambiyada internetka iyo mukhaadaraadka, iyo sidoo kale amniga socdaalka iyo adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah ee dhinaca amniga.

Madasha ayaa sidoo kale fursad u ah dalalka iyo hay’adaha ka qeybgalaya inay is dhaafsadaan khibradaha iyo hababka lagu xoojin karo iskaashiga caalamiga ah ee wax looga qabanayo khataraha amni ee sii kordhaya ee ka gudba xuduudaha.

Ka qeybgalka Wasiir Fartaag ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dooneyso inay sii xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada, dambiyada abaabulan iyo khataraha kale ee xuduudaha ka gudba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here