Wasiirka amniga oo guddoomiyey shir looga hadlayey amniga doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb galeen safiirada waddamada Ururka Midowga Yurub.

Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa diirrada lagu saaray Amniga doorashooyinka dalka,waxaana aaladda Zoom-ka uga qeyb galay qaar kamid ah safiirada Midowga Yurub.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane, Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa uga mahad celiyay taageerada Midowga Yurub uu lagarab taaganyahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale Wasiirka ku booriyay sii joogtaynta kaalmadaas, gaar ahaan taageerada dhanka amniga maadaama dowladd ay isu diyaarinayso in ay la wareegto mas’uuliyadda Amniga dalka dhammaadka Sanadka soo socda ee 2023-ka.

Dhankooda safiirada Midowga Yurub ayaa boggaadiyay habsami u socodka howlaha doorashooyinka iyaga oo u rajeeyay xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada in ay kusoo dhammaystiraan howlaha doorashooyinka muddadii lagu heshiiyay.

Sidoo kale Safiirada ayaa boggaadiyay howlaha hay’adaha amniga, waxayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada Dowladda iyo Shacabka,gaar ahaan arrinaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here