Wasiirka amniga oo hortegay guddi ka tirsan Golaha Aqalka Sare + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare ee BJFS oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa maanta xafiisjooda ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed (Doodishe) iyo Maxamed Cali Xagaa Wasiir dowlaha Wasaaraddaas.

 

Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa kulanka ay maanta la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Amniga, waxaa la isku dhaafsaday su’aalo iyo warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, taas  oo uu Wasiirku si faahfaahsan xubnaha Guddiga warbixin uga siiyay ugana jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare Senator Adam Abdinasir oo kulanka Shir gudoominayay ayaa Massuliyiinta Wasaaradda Amniga uga mahad celiyay sida togan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, iyadoo la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo dardar geliyo shaqada Qaranka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here