Wasiirka amniga oo war kasoo saaray dagaallada ka socda Muqdisho

0

Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubey Jimcaale oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen guriga Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii uu xilka ka dagay 2017kii ay ilaalinayaan ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Dalka, taa oo muujinaysa maamuuska iyo mudnaanta uu leeyahay awgeed. Ayuu yiri Wasiir Xundubeey.
Sidoo kale Wasiirka yaa ka hadlay hawlgalo ay in Ciidamada dowladdu ku soo afjareen weerar ay Muqdisho ku soo qaadeeen maleeshiyo ay soo abaabuleen dad aanan u naxayn dadkooda iyo deegaankooda, sida uu hadalka u dhigay, kuwaa oo ilaa saakay ay socotay waan-waan dib looga saarayo magaalada balse aanay waxba ka suuroobin.
“ Wasaaradda Amniga waxa ay aad iyo aad uga xun tahay in dad aanan u naxayn dadkooda iyo deegaankooda ay soo abaabuleen maleeshiyaad, kuwaa oo si kasta oo loogu caqli celiyay ay diideen. In muddo ah markii la isku dayay in si waayaan ah lagu dhameeyo iyadoo dadka loo turayo laakiin ay suuragali wayday ayey Ciidamada Amaanku ka hor tageen soona af jareen. Cid allaale ciddii ay wax ku gaareen oo shacabka Soomaaliyeed ah iyo deegaanka aad aad iyo aad ayaan uga tacsiyeynaynaa, waana ka xunahay.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here