Wasiirka amniga XF Soomaaliya oo kulamo ka wada wadanka Sacuudiga

0

RIYADH (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XF. Soomaaliya mudane  Cabdullahi Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminaayo oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya ayaa booqday xarunta Jaamacadda Naif ee dalkaasi.

Wasiirka oo ay la socdeen xubno muhiim ah,waxa ay booqashadoodu la xiriirtay u kuurgalka nidaamka shaqo ee xaruntaasi oo ah mid  lagu barto Culuunta ku saabsan dhanka amniga.

Wasiirka iyo xubnihii kale,waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha jaamacada Dr. Abdul Majeed Al-Bunyan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan jamacadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here