Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Mudane Adam Abdelmoula, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiirka iyo Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo dadaallada lagu xoojinayo heerarka gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo ballaaran oo wada-tashi ah, kuwaas oo looga hadlayey xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here