Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa dalka Tanzania

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania Marwo Liberata Mulamula, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha Labada Qaran, iyaga oo aragtiyo muhiim ah iska dhaafsaday iskaashiga Labada Dowladood ee arrimaha Gobolka iyo Qaaradda ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Tanzania uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee Shacabka iyo Dowladda aan saaxiibka nahay ee Tanzania ay u fidiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here