Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Kuwait

0

KUWAIT (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah. Kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay xariirka labada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah. Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka labada, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here