Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Danjire Mohamed Bamba

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Agaasimaha guud ee xafiis goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya, Danjire Mohamed Bamba M. Boba, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku-duwidda.

 

Intii kulanka lagu guda-jiray waxaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo ku suntan siyaasadda, amniga iyo xaaladaha bani’aadantinimo, iyada oo diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada si wax ku ool ah si loola tacaalo caqabadaha kala duwan, loogana gudbo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here