Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Cismaan Dubad Suugule.
Wasiirka ayaa ka guddoomay Danjiraha nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga diblomaasiyadeed, taas oo si rasmi ah u xoojinaysa shaqadiisa cusub ee diblomaasiyadda.
Labada dhinac ayaa kadib yeeshay kulan diiradda lagu saaray xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, amniga gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Geeska Afrika.
Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid sii adkeynaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyadoo la filayo in la kordhiyo wada shaqeynta dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarka gobolka.




