MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen hirgelinta Baaqa Nairobi ee Arrimaha Qaxootiga.
Wasiirka ayaa madasha ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo ka hadlay qaxootiga, dadka soo guryo noqday, barakacayaasha, dhibaatooyinka bini’aadantinimo, isbeddelka cimilada iyo abaaraha ay keento.
“Inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta mabaadi’da iyo himilooyinka Baaqa Nairobi. Sanadihii la soo dhaafey, waxaan si joogto ah uga shaqeynay in ballanqaadyadaas loo beddelo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada nolosha qaxootiga, barakacayaasha, dadka soo laabanaya iyo bulshadda gudaha dalka,” ayuu yiri wasiirka.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay shuruucda ay Soomaaliya ansixisay si arrintan xal loogu helo, sida Sharciga Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka ee bishii Sebtembar 2023 iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha (IDP Bill) oo la meel mariyay bishan, kuwaas oo nidaamka qaran u dhoweeyay heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Ugu dambeyntii, wasiirku wuxuu dalalka IGAD usoo jeediyey in laga wada shaqeeyo amniga gobolka, lana iska kaashado kor u qaadista adeegyada kaabayaasha ee horumar keenaya.



