Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo gaaray degmada Xarardheere + Sawirro

0

XARARDHEERE (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane, Axmed Macallin Fiqi oo maalmahan howlo shaqo u joogay Galmudug ayaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminaya waxay gaareen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

 

Wasiir Fiqi ayaa waxaa wehlinaya xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug.

Ujeedka socdaalkan ayaa la xiriiraa dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhiirri gelinta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here