Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo la kulmay Safiirka Sacuudi Carabiya

0

MUQDISHO (SMN) –  Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble iyo Safiirka u fadhiya dalkeena Dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudi Carabiya Amb. Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad ayaa maanta yeeshay kulan isxogwareysi ah.

Intii lagu guda jiray kulanka wasiirka ayaa si qotodheer u dul istaagay taariikhda walaalnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeysa labada dowladood iyo labada shacab, joogitaanka Safiirka ee muqdishana ay muhiimad weyn u leedahay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Wasiirka ayaa dowladda iyo shacabka Boqortooyadda Sacuudiga Carabiya uga mahaceliyay taageeradooda ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo tan gargaarka ee ay marwaliba lagarab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday in ay sare u qaadaan kaalmadooda maadaama dalka ay ka jirto abaar daran, sidoo kalana ay fooda nagu soo heyso bishii barakeysand ee Ramadaan.

Safiirka ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ku amaanay sida ay uga go’an tahay dib uga soo kabashada dhibaatooyinkii kasoo gaaray burburkii dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in shacabka iyo dowladda Sacuudi Carabiya ay marwaliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here