Doha, Qatar – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Doha Forum 2025, oo ka socda magaalada Doha ee dalka Qatar.
Wasiirka ayaa ka qeyb galay dood-wadaag heer caalami ah oo diiradda lagu saaray saameynta hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah ee ku yeeshay adeegyada caafimaadka Soomaaliya. Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo maalgelinta gudaha, isla markaana la ballaariyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee dalalka ku jira Global South–South Cooperation.
Wasiirku wuxuu si gaar ah uga hadlay fursadaha cusub ee iskaashi, maalgelin, iyo khibrad-wadaag ee taageeri kara adkeysiga iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.
Wafdiga Wasiirka waxaa qeyb ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Guuled Cabdijalil Sheekh Cali, iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kuwaas oo ka qayb qaadanaya kulamo heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka.
Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sheegay in ka-qaybgalka shirka Doha Forum uu fursad u yahay Soomaaliya si loo helo taageero dheeraad ah, wax-wadaag khibradeed, iyo maalgelin kor u qaadi karta tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed.



