Wasiirka cadaaladda oo booqasho ku tegay xabsiga dhexe ee Baydhabo

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka JFS mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji oo ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xabsiga magaalada Baydhabo oo dhawaan lagu sameeyay dayactir.

Wasiirka oo uu la socday Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,ayaa ujeedkoodu ahaa sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda Maxaabiista iyo in xabsigaasi loo dhameystiray adeegyadiii ay u baahnaayeen maxaabiista.

Wasiirka iyo xubnihii kale waxaa halkaa ku soo dhoweeyay oo warbixin ku siiyay masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda KGS iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowlad-goboleedka KGS ,kuwaas oo ka waramay baahiyaha, caqabadaha iyo adeegyada kale ee lagama-maarmaanka u ah Xabsiga.

Wasiirku, wuxuu mahad celin ballaaran usoo jeediyey wafdigii halkaasi kusoo dhaweeyey ee ay ugu horeeyaan masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda KGS iyo Taliska CAS.

Xabsigaan, oo si casri ah loo dhisay,wuxuu qeyb weyn ka qaadan doonaa badqabka xaaladaada caafimaad ee maxaabiista, xirfadeynta, dhaqancelinta, yareynta falalka dambi ee ka dhaca gaar ahaan deegaanada KGS guud ahaa Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here