Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayay u-qareemidda maxaabiista qaameysan ee ku xiran xabsiyada dalka, kuwaas oo dhameystay muddadii xukunkooda sharciga ahaa balse aan awoodin inay iska bixiyaan deymaha lagu leeyahay.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa maxaabiista lagu leeyahay qaamaha, kuwaas oo awoodi waayay inay bixiyaan lacagaha lagu leeyahay, isla markaana ay weli ugu xiran yihiin xabsiyada dalka, inkastoo ay dhammeysteen xukunnadii sharciga ahaa ee lagu riday.
Kulanka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin culimada Soomaaliyeed, Hormuud Salaam Foundation, Dahabshiil Group, Dalladda Bangiyada Soomaaliyeed iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Wasiirka Cadaaladda ayaa ka hadlay xaaladda maxaabiista qaameysan, caqabadaha la xiriira buux-dhaafka xabsiyada iyo muhiimadda ay leedahay in dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay iska kaashadaan u-qareemidda maxaabiista aan awoodin bixinta deymaha lagu leeyahay, si ay fursad ugu helaan inay dib ugu laabtaan bulshada.
Shirka ayaa la isku raacay in la dhiso guddi ay hoggaaminayaan culimada Soomaaliyeed, kaas oo isku dubbaridi doona dadaallada u-qareemidda maxaabiista qaameysan, isla markaana ka shaqeyn doona abaabulka taageerada iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee arrintan ku lugta leh.
Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegtay in shirkan uu muujinayo muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada dowladda, culimada, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, si garab loo siiyo maxaabiista danyarta ah ee aan awoodin inay bixiyaan qaamaha lagu leeyahay, loona xoojiyo u-damqashada dadka nugul.
Dhanka kale, Hay’adda Hormuud Salaam Foundation (HSF) ayaa ballanqaadday inay bixinayso qaamaha lagu leeyahay maxaabiista oo dhan $5,000 iyo wixii ka yar, si ay uga qayb qaadato dadaallada lagu caawinayo maxaabiista aan awoodin bixinta deymaha lagu leeyahay, loona fududeeyo inay dib u helaan xorriyaddooda.




