Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo gaaray Aljeeriya, kana qaybgalaya shirka Wasiirrada Cadaaladda Carabta

0

Aljeris, Aljeeriya – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa gaaray magaalada Aljeris ee caasimadda dalka Aljeeriya.

 

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa halkaasi uga qaybgalaya furitaanka shirka Wasiirrada Cadaaladda ee dalalka Carabta, kaas oo lagu qabanayo caasimadda Aljeris.

Shirka ayaa fursad u ah wasiirrada iyo mas’uuliyiinta cadaaladda ee dalalka Carabta inay ka wada hadlaan arrimaha la xiriira iskaashiga dhinaca garsoorka, cadaaladda iyo horumarinta nidaamyada sharciga ee dalalka xubnaha ka ah.

Wafdiga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Aljeris ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), Agaasimaha Guud ee Xabsiyada dalka Aljeeriya, Mudane Zerb Saciid, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda ee dalka Aljeeriya.May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here