MUQDISHO – Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ka digay khataraha siyaasadeed iyo amni ee dalka ka jira, isaga oo madaxda iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed, danaha qabaa’ilka iyo loollanka awoodda, si loo ilaaliyo jiritaanka dowladnimada.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinacyo badan leh oo ka jira Puntland, Somaliland, Jubaland, Koonfur-galbeed, Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka.
Waxa uu ka digay in kala qaybsanaanta gudaha ay fursad siin karto dalalka deriska ah iyo quwadaha kale ee shisheeye ee danaha ka leh Soomaaliya inay ballaariyaan saameyntooda.
Xasan Macallin ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, oo uu sheegay inay ka yihiin 75 ilaa 80 boqolkiiba bulshada, ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan isbeddel siyaasadeed oo dalka looga saarayo xaaladda adag ee uu ku jiro.
Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay baaq ay culimada Soomaaliyeed soo saareen oo ku saabsan isu imaatinka, midnimada iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda dhibaatooyinka dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ku khasbanayn inay ku sii socoto nidaamka siyaasadeed ee hadda jira, isaga oo xusay inay suurtagal tahay in dib loo eego jihada dowladnimada, lana gaaro heshiis cusub oo lagu qeexo dastuurka, awood-qaybsiga, khayraadka dalka iyo nidaamka federaalka.
Waxa uu ku baaqay in Soomaalidu ay si furan uga doodaan sidii dib loogu habayn lahaa nidaamka federaalka ama looga gudbi lahaa, haddii la helo hannaan kale oo ay dhinacyadu ku heshiin karaan.
Xasan Macallin ayaa carrabka ku adkeeyay in dib-u-habayn siyaasadeed ay suuragal tahay haddii ay jirto rabitaan mideysan iyo heshiis ay Soomaalidu ka gaaraan mustaqbalka dowladnimada.
Dhanka kale, wasiirka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ciidamada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in daryeelka, qalabaynta iyo taageerada askarta ay yihiin arrimo u baahan in mudnaan gaar ah la siiyo.
Waxa uu sheegay inaan laga filan karin askari inuu naftiisa u huro difaaca dalka haddii dowladda aysan xaqiijin badbaadadiisa, daryeelkiisa iyo mustaqbalka qoyskiisa.
Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira dastuurka, nidaamka federaalka iyo doorashooyinka, iyadoo ay weli jiraan caqabado amni oo u baahan iskaashi iyo heshiis qaran.



