Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha oo la kulmay Ergey ka socdau dalka Finland

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Yuusuf (Cali- Xoosh ) ayaa kulan isbarasho ah la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabbilsan dhexdhexaadinta nabadeynta Geeska Afrika, Suldaan Saciid Axmed.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorka dhallinyarada ay ku leeyihiin nabadaynta.

Finland ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee taageerada kala duwan siiya dowladda federaalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here