Wasiirka difaaca Kenya oo sheegay inay ka hortagayaan weerarada Shabaab

0
Defence CS when he appeared before a parliamentary committee on May 18, 2023 in Nairobi. He revealed the construction of the military FOBs

NAIROBI (SMN) – Wasiirka wasaaradda difaaca dalka Kenya Aaden Barre Ducaale oo ku sugan deegaanada xuduuda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in laamaha ammaanka Kenya ay ka feejiganyihiin weerarada Al-shabaab.

Aaden Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaadaya in Al-shabaab ay sare u qaadeen weerarada ay ka fulinayaan deegaanada xadka Soomaaliya, sidaas darteedna ay kordhiyeen tirada ciidamada ilaalada xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Kenya ayaa waxa uu ballan qaaday in wasaaraddiisu ay sii wadi doonto kor u qaadida awoodda ciidanka difaaca Kenya si ay u helaan hub casri ah si awood ugu yeeshaan in ay ka hortagaan khataraha amni ee soo kordhaya.

Gobolka Waqooyi Bari iyo qeybo ka mid ah deegaanada Xeebta ayaa waxaa ku soo badanayay weerarada ay geysanayaan Al Shabaab, kuwaasi oo lagu dilay askar ka tirsan Booliiska iyo Milatariga Kenya.

Todobaadki hore xukuumadda Nairobi ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay dib u furista xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay kordheen weerarada Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here