Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Ciidamada Ku Sugan Wargaadhi

0

Wargaadhi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka gaareen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ciribtirayo kooxda.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada, dardargelinta howlgalada militari, iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ku ammaanay ciidamada heegankooda, diyaargarowgooda iyo sida ay u gudanayaan waajibaadkooda qaran.

Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duubnida, isagoo xusay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay u socdaan si qorsheysan, islamarkaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah safar dhanka dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii u dambeeyay ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dardargelinayo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, lagu dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana lagu xoojinayo isku-duwidda howlgalada lagu xaqiijinayo amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here