GaALKACYO, Soomaaliya — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Talaadadii booqday xarunta Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee magaalada Gaalkacyo.
Booqashada ayaa qeyb ka ahayd kormeer lagu qiimeynayay xaaladda ciidamada, heerka diyaar-garowgooda iyo howlaha ay ka wadaan deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa indha-indheeyay xarunta, iyagoo sidoo kale kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada ka howlgala saldhigga.
Wasiirka iyo taliyaha ciidanka ayaa ciidamada kula dardaarmay inay joogteeyaan diyaar-garowga, xoojiyaan isku-xirka cutubyada ciidamada isla markaana si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran.
Waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Booqashadu waxay sidoo kale madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka fursad u siisay inay si dhow u qiimeeyaan xaaladda iyo baahiyaha ciidamada ka howlgala Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.
Saraakiisha Ururka 163-aad ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka warbixin ka siiyay howlaha iyo waajibaadka ay ka wadaan deegaanka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran.
Danab ayaa ka mid ah cutubyada gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo door ka qaata howlaha amniga iyo dagaallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Booqashada ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo in ciidamada qaranku si weyn ugaalin uga qaataan sugidda amniga dalka.



