Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojinayso hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada lagu xasillinayo deegaannada laga xoreeyey.
Wasiirka oo ka hadlayay Madasha Qaran ee Isku-dubbaridka Xasillinta ayaa tilmaamay horumarrada ay dowladda ka samaysay xoreynta deegaanno badan, sugidda amniga, iyo dardargelinta geeddi-socodka xasillinta, isagoo xusay in hawlgalladu ay si joogto ah u socon doonaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dib-u-dejinta iyo adeegyada aasaasiga ah ee laga hirgeliyey deegaannadii laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ay muujinayaan sida ay dowladda uga go’an tahay isku xirka guulaha militari iyo qorshayaasha xasillinta.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyey in guulaha laga gaaray hawlgallada aan lagu koobayn dhinaca amniga oo keliya, balse lagu xoojin doono hirgelinta istaraatijiyado mideysan oo lagu adkeynayo xasillinta, dib-u-soo-nooleynta hay’adaha dowliga ah, iyo horumarinta adeegyada bulshada.




