MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka, oo uu qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha saraakiisha iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac.
Booqashada wafdiga Pakistan ayaa daba socota booqashadii Wasiir Fiqi uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, xilligaas oo labada dal ay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo amniga.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Pakistan, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dal uu taageero mudnaanta qaranka ee dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.






