Wasiirka gaashaandhigga XFS oo war kasoo saaray xuska 12-ka April

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda 12-ka April u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa, dableyda, alifleyda, saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo Xaasaskooda u diray hambalo ku aadan 62 sano sanaguuradii ka soo wareegatay aaska ciidanka xoogga dalka ee sanadkii 1960-kii oo ku beegay 12-ka bishan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku booriyay  ciidanka xoogga dalka inay labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here