Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirka horumarinta dhaqaalaha ee IMF iyo DF

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xumumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta soo xiray shirka horumarinta dhaqaalaha ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa laba toddobaad ka socday magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana dib-u-eegis loogu sameyay hannaanka Maaliyadda Soomaaliya ee 3-dii bilood ee la soo dhaafay & waxa u qabsoomay Dowladda kadib gaariddii barnaamijkii deyn cafinta.

Mudane Biixi Imaan ayaa intii lagu guda jiray Shirka xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Maaliyadda meel-marinta iyo ka miro-dhalinta qorshayaasha horumarineed ee dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here