WASHINGTON, USA (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bihi Imaan Cige, ayaa Isniintii kulammo heer sare ah kula yeeshay magaalada Washington madax kala duwan oo ka tirsan Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, xilli uu ka qaybgalayo Shirarka sanadkan 2025.
Wasiirka ayaa la kulmay Zarau Wendeline Kibwe, Agaasimaha Fulinta ee Qaaradda Afrika (Group 1) ee Bangiga Adduunka, isagoo kala hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, mashaariicda cusub ee Bangiga, horumarinta Bangiga Dhexe, kobaca dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Wuxuu uga mahadceliyey Kibwe taageerada joogtada ah ee uu u fidiyo Soomaaliya.
Kulammo kale oo uu yeeshay Wasiirka ayaa waxaa uu la qaatay Wakaaladda Taageerada Sharciga Afrika (ALSF), La-taliyeyaasha Caalamiga ah ee Dawladaha (GSA), iyo shirkadda Kepler-Karst, kuwaas oo ay kaga wada hadleen istiraatiijiyado sharci iyo siyaasadeed oo la xiriira maaraynta deymaha kadib cafinta deynta.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin la-taliyeyaasha madax-bannaan ee kor u qaadaya daahfurnaanta iyo hufnaanta maaraynta deymaha.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa la kulmay Dr. Maxamed Maciid, Agaasimaha Fulinta ee Soomaaliya u fadhiya IMF, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Barnaamijka Guusha ee IMF, kor u qaadista dakhliga gudaha, casriyeynta nidaamka canshuuraha, horumarinta nidaamka maaliyadeed, iyo xoojinta maaraynta maaliyadda dadweynaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay in ay ka go’an tahay sii wadidda dib-u-habeynta dhaqaalaha si loo gaaro xasillooni dhaqaale, koboc iyo horumar waara.



