Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 8-aad ee Kuuriya iyo Afrika, kaas oo sanadkan hal-ku-dhig looga dhigay “Ka Faa’iidaysiga Garaadka Macmalka ah iyada oo loo adeegsanayo Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha si loo Dardargeliyo Isbeddelka Afrika.”
Shirka oo ka dhacay magaalada Seoul ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirrada maaliyadda ee dalalka Afrika. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in hamiga Afrika uusan ku koobnaan qaadashada tiknoolajiyadda garaadka macmalka ah (AI), balse loo baahan yahay in la dhiso kaabeyaasha tamarta, fiber-optic-ga, xogta iyo awood dhaqaale oo ku dhisan isla-xisaabtan, kuwaas oo gacan ka geysanaya kobaca dhaqaalaha.
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya, oo ku taalla goob istiraatiiji ah, ay leedahay dhaqaale dijitaal ah oo kobcaya, isla markaana ay hadda haysato fursad ay ku noqon karto albaab dijitaal ah oo Afrika u furma. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda is-dhexgalka gobolka iyo Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (HoAI), si loo gaaro heer kobcinaya dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika.
Madasha Kuuriya iyo Afrika ayaa sanadkan u dabaaldegaysa sannad-guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay sannadkii 2006-dii. KOAFEC ayaa noqday madal lagu kalsoon yahay oo lagu xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Kuuriya iyo Afrika, iyadoo isu keenta dowladaha, ganacsatada iyo hay’adaha horumarinta dhaqaalaha, si ay u is-weydaarsadaan fikrado, u dhistaan iskaashi iyo xiriir dhaqaale, una raadiyaan fursado wadaag ah.






