Wasiirka qorsheynta XFS oo la kulmay madaxa hey’adda UNFPA ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Asad Yusuf, ayaa kulan la qaatay madaxda hey’adda UNFPA-Somalia, iyagoo sagootiyey Wakiilka  UNFPA-Somalia, Mudane Anders Thomsen, oo uu waqtigiisa shaqo dhawaan soo idlaaday .

Wasiirka Qorsheynta ayaa hoosta ka xariiqay doorka muhimka ah ee UNFPA ay ku leedahay daddaalada horumarineed ee dalka ka socda iyo wada shaqeynta dhow ee kala dhaxeysa Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Mudane Anders muddadii uu hormuudka u ahaa Hey’adda UNFPA-Somalia, isaga oo u rajeyey badqab iyo horumar wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here