MUQDISHO — Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya (NCSC).
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali, Wasiiru-Dowlaha Mudane Caynanshe Yuusuf Xuseen, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Xasan. Dhanka Guddiga, waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan.
Wasiirka ayaa dhageystay warbixin guud oo ay soo jeediyeen xubnaha Guddiga, taas oo ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh horumarinta maamulka shaqaalaha rayidka dowladda, hawlaha u qabsoomay, iyo dadaallada guddigu wado ee lagu xaqiijinayo nidaam shaqaalaysiin hufan oo qaranka ah.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa horumarinta cududda shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, maareynta waqtiga shaqada, iyo soo xaadirista joogtada ah. Guddigu wuxuu sidoo kale soo bandhigay caqabadaha ku hor gudban hawlaha socda iyo sida ay Wasaaradda iska kaashan lahaayeen xalintooda.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa uga mahadceliyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed, isagoo ku dhawaaqay in la qaban doono kulamo kale oo lagu dardar-gelinayo hawlaha guddiga.









