Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan ka hortagga hadallada naceybka

0

Muqdisho  – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay aqoon-isweydaarsi ku saabsan ka hortagga tabinta hadallada naceybka xilliyada doorashooyinka.

 

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda 21 xarumood oo warbaahineed oo ka hawlgala magaalada Muqdisho.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo fahamka saxafiyiinta ee doorkooda ku aaddan tabinta mas’uuliyadda leh inta lagu jiro geeddi-socodka doorashooyinka, gaar ahaan ka hortagga faafinta wararka khaldan, marin-habaabinta iyo hadallada naceybka oo saameyn kara kalsoonida dadweynaha iyo xasilloonida bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in warbaahintu door muhiim ah ka qaadan karto xoojinta xasilloonida doorashooyinka iyo ka hortagga hadallada naceybka ee sababi kara xasaradaha ka dhasha xilliyada doorashooyinka.

“Warbaahintu waxay door weyn ka ciyaartaa wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta hufnaanta macluumaadka doorashooyinka. Waxaa muhiim ah in saxafiyiintu ay tabintooda ku saleeyaan xog sax ah, dheellitirnaan iyo mas’uuliyad xirfadeed,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Wuxuu sidoo kale ku booriyey suxufiyiinta inay xoojiyaan tabinta dheellitiran ee dhinacyada siyaasadda, islamarkaana ay kor u qaadaan fariimaha nabadda iyo dowlad-dhiska.

Intii uu socday aqoon-isweydaarsigan, oo uu taageerayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), ka-qaybgalayaasha waxaa la siin doonaa casharro la xiriira fahamka nidaamka doorashooyinka qaranka, xaqiijinta xogta, ilaalinta hufnaanta macluumaadka iyo ka hortagga hadallada naceybka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay horumarinta xirfadaha saxafiyiinta iyo anshaxa warbaahinta, si loo taageero qabsoomidda doorashooyin hufan, nabdoon isla markaana lagu kalsoonaan karo.May be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎علام WASAARADDA WARFAAFINTA, والسياحة والثقافة DHAQANKA DALKIISKA Ministry Information, Culture And Tourism KA HORTAGGA HADALLADA ADA NACEYBKA EE XILLIGA TABINTA DOORASHOOYINKA JOURNALISTS WORKSHOP ONDREVENTING HATE SPEECH DURING ELECTION REPORTING Ard 3rd May 2026 Goobsos Hall, Villa Somali 5NTV リンカン‎"‎‎May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here