Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray adeegyada dalxiiska ee Garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, halkaas oo uu kormeeray qeybaha muhiimka u ah soo dhoweynta iyo adeegyada loo fidiyo dalxiisayaasha iyo rakaabka caalamiga ah.

 

Intii uu kormeerka ku guda jiray, wasiirka ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay adeegyada garoonka, isagoo xusay in Garoonka Aadan Cadde uu yahay albaabka ugu weyn ee ay dalka ka soo galaan dalxiisayaasha iyo martida caalamiga ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tayeynta adeegyada garoonku ay door muhiim ah ka qaadanayso horumarinta dalxiiska, kobcinta sumcadda Soomaaliya iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay Maareeyaha shirkadda FAVORI LLC, Mudane Murat Desket, oo warbixin ka siiyay adeegyada garoonka iyo horumarka laga gaaray casriyeynta howlaha garoonka, fududeynta safarrada iyo sare u qaadidda tayada adeegyada loo fidiyo rakaabka ka soo dega ama ka dhoofa garoonka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegtay inay sii waddo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dalxiiska iyo soo dhoweynta martida, iyadoo kaashanaysa hay’adaha iyo shirkadaha ay khuseyso, si Soomaaliya loogu soo jiido dalxiisayaal iyo maalgashi, loona xoojiyo doorka dalxiisku ku leeyahay kobaca dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here