Muqdisho — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo fanka.
Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo horumarka Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga warbaahinta iyo dhaqanka, gaar ahaan taageerada dib-u-dhiska iyo horumarinta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, oo astaan u ah kobcinta fanka iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga hay’adaha warbaahinta ee labada dal, is-weydaarsiga khibradaha xirfadeed, tababaridda suxufiyiinta iyo horumarinta kaabeyaasha warbaahinta, si loo taageero dadaallada dowladda ee wacyigelinta bulshada iyo horumarinta warbaahin casri ah.
Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyay mashaariicda kala duwan ee dowladda Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya, oo ay ku jiraan taageerada bani’aadannimo iyo mashaariic horumarineed oo door ka qaata dib-u-dhiska dalka.
Ugu dambeyn, labada mas’uul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta mustaqbalka ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha loona taageero horumarka bulshada Soomaaliyeed.




