Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing kaga hadlay casriyeynta warbaahinta iyo AI

0

BEIJING — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Beijing khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha, isaga oo ka hadlay horumarka Soomaaliya ee casriyeynta warbaahinta iyo caqabadaha ka dhashay isbeddellada degdegga ah ee tiknoolajiyadda.

 

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ugu jirto la qabsiga isbeddellada ku socda warbaahinta casriga ah, gaar ahaan adeegsiga aaladaha tiknoolajiyadda cusub iyo sirdoonka macmalka ah (AI).

Waxa uu xusay in Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka ay wajahaan caqabado la xiriira isbeddelka degdegga ah ee dhanka tiknoolajiyadda, gaar ahaan sida loo xoojin karo warbaahinta cusub iyo sidii hay’adaha warbaahintu ula jaanqaadi lahaayeen hababka cusub ee gudbinta iyo helitaanka xogta.

Cabdifataax ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka shaqeyneyso dhismaha warbaahin casri ah oo xirfad leh, isla markaana awood u leh inay la jaanqaaddo isbeddellada ka socda dunida.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay warbaahintu u leedahay horumarinta bulshada, gudbinta xog sugan iyo xoojinta xiriirka iyo midnimada bulshada.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhisidda warbaahin ku shaqeysa xirfad, masuuliyad iyo hufnaan, iyadoo la tixgelinayo fursadaha iyo caqabadaha ay keeneen tiknoolajiyadda casriga ah.

Isaga oo ka hadlayay xiriirka Afrika iyo Shiinaha, Cabdifataax ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga warbaahineed ee labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo kobcinta awoodda hay’adaha warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si firfircoon uga faa’iideysato fursadaha iskaashi ee ka dhasha madasha, isaga oo tilmaamay in wada-shaqeynta Afrika iyo Shiinaha ay gacan ka geysan karto horumarinta awoodda warbaahinta ee dalalka Afrika.

Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha ayaa isu keentay mas’uuliyiin iyo xirfadlayaal ka socda dhinacyada warbaahinta ee Afrika iyo Shiinaha, iyadoo diiradda lagu saarayo iskaashiga iyo horumarinta warbaahinta xilli ay si weyn isu beddelayaan hababka soo saarista iyo gudbinta wararka.

Wasiir Cabdifataax waxaa madasha ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Hodan Cismaan Cabdi, iyo Agaasimaha Radio Muqdisho, Cabdifataax Daahir Jayte.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa ku soo beegmaya xilli warbaahinta dalka ay wajahdo baahida loo qabo maalgelin, tababarro iyo teknoolojiyad cusub, iyadoo isticmaalka baraha bulshada iyo aaladaha ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah uu si weyn u beddelayo habka ay bulshada u hesho wararka iyo macluumaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here