Wasiirkada cadaaladda oo shir la tashi ah ka furay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta furay shirka la tashiga bulshada rayidka ah ee dib-u-eegista dastuurka oo ay ka qeyb galayaan bulshada labeenteeda.

 

Furitaanka shirka waxaa goob joog ka ahaa wasiiru-dowlada iyo wasiir ku-xigeenka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga la socodka iyo dib-u-eegista dastuurka.

Shirka oo ay soo qabanqaabiyeen hey’adaha dib-u-eegista dastuurka u xil-saaran ayaa ka qeyb galayaashu kusoo gudbinayaan taladooda ay doonayaan in lagu biiriyo cutubyada dastuurka ee baarlamaanku doodooda ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here