Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulamo ka wada Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Cusmaan ayaa kulan xog-wareysi ah la yeeshay diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dallka Turkiga, waxgaradka, ganacsatada, ardayda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ankara ee dalkaas.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray fursadaha iyo caqabadaha kala duwan ee haysta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.

Kulanka ka dib, safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyay Wasiiru dowlahaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo kulanka xogwareysiga uu la yeeshay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ankara, wuxuuna sheegay in wasiirka uu dhageystay fikradaha dhaxal galka ah ee loo soo jeediyay.

Wasiiru dowlaaha arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal cusmaan oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadda kulanka uu ahaa sidii uu wax badan kaga ogaan lahaa xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

“Ujeeddada kulankan aan isugu nimid waxay tahay inaan u kuur galo fursadaha yaala dalka Turkiga ee ay ka faa’ideysan karaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo sidoo kale haddii ay jiraan caqabado ummadda Soomaaliyeed ay dareemayaan oo ku haysato dalka Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Balal cusmaan.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay xiriirka taariikheed iyo kan dhaqan u leedahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaabab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacyada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here